Posts

Showing posts from April, 2017

Sheeko gaaban

Nin ayaa xaaskiisii $1 u dhibay markaasuu ku yiri: soow managa filno halkaan doolar?. xilli aynan guriga wax rashiin ahi aalin, xaaskii ayaa ku tiri: haa ilaa hal sanno ayuu nagu filanyahay halkan doolar, ninkii ayaa yiri: Maashaa Allah alla xaas fiican ayaan qabaa oo wax dhaqaaleeyn taqaan. markasuu xaaskii ku yiri : Maxay noo gooyn kartaa? Xaaskii ayaa ku tiri: calander(Kalandariya) ayuu halka doolar noo gooyn karaa, waayo kalandarku waa 12 bil.

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH!

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH! SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH Waqti aan waqtigaan ahayn waxaa si wada jir ah uwada noolaa Nin ganacsade ah, Xaaskiisa, iyo Caruur ay dhalayn. Qoysku aad ayay noloshoodu ugu raaxaysanayeen, waxay lahaayeen digaagad qurux badan, maalin kastana waxay maalin kasta dhali jirtay Ukun Dahabi ah oo ay lacag badan ka heli jireen, lkn ninka maku qanacsanayn waxa uu maalin kasta helaayay. Waxa uu rabay inuu Ukumaha oo idil mar qura ka wada helo digaagadda, Waxa uu ku fikiray sida arintaa ay u dhici lahayd, isla markiiba waxaa kusoo dhacday fikrad ah inuu digaada dilo si uu u helo Ukumaha Dahabiga ah oo wada jira. Digaagaddii ayuu soo qabtay qoorta ayuuna ka jaray, jirkeeda ayuuna jaray. Lkn waxa uu arkay dhiig socda oo kaliya, aad ayuuna u shoogay sababtoo ah hal ukun xitaa ma uusan arkin, Noloshii qoyskana waxaa soo hareeyay Faqiirnimo. :: Xikmadda sheekada:: [Qofkii wax badan Dacmiya, Dhamaan ayuu waayaa.
SHEEKO XIKMAD LEH Daa'uus waa shimbirka kaliya ee aan Farxadda haysan, isaga oo aad uga cabanaya Codkiisa , ayaa dawaco waxay tiri: "Waa run adiga ma heesi kartid, lkn eeg sida aad u qurux badan tahay!" "Maya, Qurux kaligeed ah maxay macno leedahay?!" Daauus ayaa ku cataabay. isla markiiba shimbir aad u cod macaan ayuu arkay "eeg shimbirkaas sida uu u heesayo, yaa ka cod macaan!"  Dawaco ayaa la yaabtay sida uusan farxad u haysan, Quruxdiisana u inkirayo: "Wax kasta waxay leeyihiin awoodooda gaarka u ah, Tusaale Gorgorka waxuu leeyahay 'Awood' oo waa shimbirka ugu xoogan, Adigana waxaa leedahay 'Quruxda', Shimbirkaasna waxuu leeyahay codka macaan." Xikmadda Sheekada: Ma jiro Qof liita, lkn waxaa jira qof aan aqoon halka uu ku fiican yahay.
SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH Fasalku maalintaa aad ayuu ubuuxay, Macalinka ayaa inoo sheegay in maalintaa ay jirto Cashar Muhiim ah, Waxaan is iri Qofka u horeeya ee fasalka taga noqo, lkn dad badan ayaa iiga soo hormareen. Macalinkeenii ayaa inoo soo galay, Waxa uuna inoo qaybiyay Warqad yar oo maran (madhan), Waxa uu yiri: "Qof kasta magaciisa Halkaa haku qoro", magacyadeenii ayaynu ku qornay, waana u dhiibnay. Wax yar ka dib Warqadihii ayuu hal qol/fasal ku arooriyay, wuxuuna yiri: "Qof kasta warqada magaciisu ku qoray hakusoo qaato 5daqiiqo gudahooda", Waxaan u orday qolkii ay warqaduhu ku jireen, si aan warqadayda usoo qaato, lkn qof kasta ayaa isna raba inuu warqadiiisa qaato. Si kasta aynu isku ciriirinaba Qofna ma helin warqadii ay Magaciisu ku qornayd. Macalinkii ayaa yiri: "Joojiya! Markaan isku daya, Qofka Qofkale warqadii helaa inuu siiyo qofka magaciisa ku qoran yahay". Daqiiqado yar gudohooda ayuu Qof kasta oo inaga naga mid ah
Oday da’ ah ah iyo wiil uu dhalay oo 25-jir ah ayaa soo wada raaceen tareeen, wiilkan ayaa wajigiisa waxa ka muuqatay farxad iyo rayrayn, waxa aanuu xiigay dhinaca daaqada. wiilkii ayaa waxa uu gacantiisa dibada uga saaray daaqada, waxaanuu dareemay dabaysha iyo xawaaraha uu jarayo tareenku, kadib ayaa uu kor u dhawaaqay isaga oo leh “Aabo eeg.. dhamaan geeduhu (dhirtu) way ina daba ordayaan”!! Aabihii ayaa intuu dhoola cadeeyay la wadaagay farxadii wiilkiisii, waxaana dhinac fadhiyay nin iyo gabadh oo dhagta u raaricinayay hadalkan iyo faxadan ay aabaha iyo wiilkiisu is waydaarsanayeen, kadib ayaa waxa ay la yaabeen sida uu ninkan dhalinyarada ah ee 25 jirka ahi u dhaqmayo sidii uu yahay ilma yar oo caruur ah!! Hadana si lama filaan ah ayaa marlabaad uu u dhawaaqay wiilkii dhalinyarada haa isagoo leh: “aabo eeg barkadan iyo waxa xayawaan ka buuxa, eeg daruuruhu waa ay ina dul ordayaane”.. kadib ayaa labadii lamaane ee dhinac fadhiyay lasii yaabeen wiilkan dhalinyarada ah. Int
Waxaa safar galay dhinaca bada ah Nin iyo afadiis, markuu uu maalin iyo habeen oo dhan socday markabkii ay saarnaayeen ayaa hirar buuro lagu tilmaami karo cirka… isku shareereen. Bulxan iyo ooyin ayaa dhinac kasta ka yeertay, balse waxay sii kordheen markii badmaaxihii ugu sareeyey shaqaalaha markabka uu u sheegay dadkii saarnaa in noloshoodu halis ku jirto, isagoo kaashanaya Raadaarka tilmaama cimilada iyo halkuu taleefan ku gaari karay. Doontii hadii ay bilowday inay biyuhu soo galaan ayey Marwadii uu xaajigeedu la socday iyadoo oyneysa u oroday xagii Seygeeda, kadibna waxay aragtay ninkan oo aan wax walwal ah iyo murugo ah ka muuqan. waxay ku tiri: nolosheena kama fikireysid iyo dhibka aan ku jirno, iyadoo caro iyo baqdini ka muuqato, kolkaas ayuu midi inta soo qaaday rubada ka saaray oo uu yiri: kama cabsaneyd miyaa inaan ku dilo, markaasay ku jawaabtay iyadoo qosleysa: waxaan ku kalsoonahay inaadan i dileyn waayoo waxaa tahay qofan jeclahay oo nolosheyda ku aaminey, kolaas ayuu