SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH!

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH!
SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH

Waqti aan waqtigaan ahayn waxaa si wada jir ah uwada noolaa Nin ganacsade ah, Xaaskiisa, iyo Caruur ay dhalayn. Qoysku aad ayay noloshoodu ugu raaxaysanayeen, waxay lahaayeen digaagad qurux badan, maalin kastana waxay maalin kasta dhali jirtay Ukun Dahabi ah oo ay lacag badan ka heli jireen, lkn ninka maku qanacsanayn waxa uu maalin kasta helaayay.


Waxa uu rabay inuu Ukumaha oo idil mar qura ka wada helo digaagadda, Waxa uu ku fikiray sida arintaa ay u dhici lahayd, isla markiiba waxaa kusoo dhacday fikrad ah inuu digaada dilo si uu u helo Ukumaha Dahabiga ah oo wada jira.

Digaagaddii ayuu soo qabtay qoorta ayuuna ka jaray, jirkeeda ayuuna jaray.

Lkn waxa uu arkay dhiig socda oo kaliya, aad ayuuna u shoogay sababtoo ah hal ukun xitaa ma uusan arkin, Noloshii qoyskana waxaa soo hareeyay Faqiirnimo.

:: Xikmadda sheekada::
[Qofkii wax badan Dacmiya, Dhamaan ayuu waayaa.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sheeko gaaban