Posts

Showing posts from February, 2018
TUUG DAHAB XADAY Nin tuug ah baa ka xaday, nin Suldaan ah laba kabood oo dahab ah, markaas buu haddana wuxuu arkay dameer laba jawaan oo dahab ah, saaran tahay, markaas buu damcay in uu ninka dameerka wata inuu ka xado dameerka dahabka sida, markaas buu jidkii uu ku soo socday buu kab dahab ah dhigay oo cabbaar meel u jirta midii kalana uu dhigay, markaas baa ninkii dameerka watay baa arkay kabta dahabka ah oo meesha taal, markaas buu iska dhaafay, cabbar markuu socday buu arkay kabtii kale, markaas buu dameerkii ku xirtay meeshaan kabtu taal, oo raadshey tii kale oo uu soo dhaafay, markaas baa tuuggii xaday dameerkii iyo dahabkii. Sheekadii halkaas ha noo joogto
«ADDUUNYO WAA SHEEKO IYO SHAAHID» NINLADHACAY Sheeko: nin baa ka soo safray reerkiisii, isagoo sita qumbe subag ah iyo wan buuran oo Toddoba jir ah, markaas baa laba tuug aragtay oo ey yiraahdeen war sidee uga xadnaa ninkaas wanka iyo subagga? Markaas baa mid wuxuu yiri annaa indhaha iska ridaayee isoo raac markaas buu indhaha xanjo marsadey oo istaagey jid- kii ninka soo marayey Waryaa sharqamay? Waa anigoo safar ah, war magaaladii igey, hoo wanka ii qabo, oo usha keenso? Markaas baa tuugii kale wankii furtay, war xarigeyga xoollo kuma jiraan ee qumbaha ii dhiib, ee wankii raadi, markaas buu isna qumbihii la carrarey ninkiina halkaas baa lagu dhacay. Sheekadii halkaas ha inoo joogto.