SHEEKO XIKMAD LEH

Daa'uus waa shimbirka kaliya ee aan Farxadda haysan, isaga oo aad uga cabanaya Codkiisa , ayaa dawaco waxay tiri: "Waa run adiga ma heesi kartid, lkn eeg sida aad u qurux badan tahay!"

"Maya, Qurux kaligeed ah maxay macno leedahay?!" Daauus ayaa ku cataabay. isla markiiba shimbir aad u cod macaan ayuu arkay "eeg shimbirkaas sida uu u heesayo, yaa ka cod macaan!" 

Dawaco ayaa la yaabtay sida uusan farxad u haysan, Quruxdiisana u inkirayo: "Wax kasta waxay leeyihiin awoodooda gaarka u ah, Tusaale Gorgorka waxuu leeyahay 'Awood' oo waa shimbirka ugu xoogan, Adigana waxaa leedahay 'Quruxda', Shimbirkaasna waxuu leeyahay codka macaan."

Xikmadda Sheekada: Ma jiro Qof liita, lkn waxaa jira qof aan aqoon halka uu ku fiican yahay.

Comments

Popular posts from this blog

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH!

Sheeko gaaban