Waxaa safar galay dhinaca bada ah Nin iyo afadiis, markuu uu maalin iyo habeen oo dhan socday markabkii ay saarnaayeen ayaa hirar buuro lagu tilmaami karo cirka… isku shareereen.
Bulxan iyo ooyin ayaa dhinac kasta ka yeertay, balse waxay sii kordheen markii badmaaxihii ugu sareeyey shaqaalaha markabka uu u sheegay dadkii saarnaa in noloshoodu halis ku jirto, isagoo kaashanaya Raadaarka tilmaama cimilada iyo halkuu taleefan ku gaari karay.
Doontii hadii ay bilowday inay biyuhu soo galaan ayey Marwadii uu xaajigeedu la socday iyadoo oyneysa u oroday xagii Seygeeda, kadibna waxay aragtay ninkan oo aan wax walwal ah iyo murugo ah ka muuqan. waxay ku tiri: nolosheena kama fikireysid iyo dhibka aan ku jirno, iyadoo caro iyo baqdini ka muuqato, kolkaas ayuu midi inta soo qaaday rubada ka saaray oo uu yiri: kama cabsaneyd miyaa inaan ku dilo, markaasay ku jawaabtay iyadoo qosleysa: waxaan ku kalsoonahay inaadan i dileyn waayoo waxaa tahay qofan jeclahay oo nolosheyda ku aaminey, kolaas ayuu yiri hadaad gacanta tooreydan heysa saas ugu kalsoon tahay, ALLAHII ku abuuray, ee hirarkan gadgadoomaya naga haya, naftaaduna gacantiisa ku jirto maxaad sidaa ugu kalsoonaan weysay?

Comments

Popular posts from this blog

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH!

Sheeko gaaban