Oday da’ ah ah iyo wiil uu dhalay oo 25-jir ah ayaa soo wada raaceen tareeen, wiilkan ayaa wajigiisa waxa ka muuqatay farxad iyo rayrayn, waxa aanuu xiigay dhinaca daaqada.

wiilkii ayaa waxa uu gacantiisa dibada uga saaray daaqada, waxaanuu dareemay dabaysha iyo xawaaraha uu jarayo tareenku, kadib ayaa uu kor u dhawaaqay isaga oo leh “Aabo eeg.. dhamaan geeduhu (dhirtu) way ina daba ordayaan”!!

Aabihii ayaa intuu dhoola cadeeyay la wadaagay farxadii wiilkiisii, waxaana dhinac fadhiyay nin iyo gabadh oo dhagta u raaricinayay hadalkan iyo faxadan ay aabaha iyo wiilkiisu is waydaarsanayeen, kadib ayaa waxa ay la yaabeen sida uu ninkan dhalinyarada ah ee 25 jirka ahi u dhaqmayo sidii uu yahay ilma yar oo caruur ah!!

Hadana si lama filaan ah ayaa marlabaad uu u dhawaaqay wiilkii dhalinyarada haa isagoo leh:
“aabo eeg barkadan iyo waxa xayawaan ka buuxa, eeg daruuruhu waa ay ina dul ordayaane”.. kadib ayaa labadii lamaane ee dhinac fadhiyay lasii yaabeen wiilkan dhalinyarada ah.

Intaas kabacdi ayaa waxa soo daatay roob, kadib ayaa dhibcihii roobku kusoo da’een wiilka gacantiisa, isaga oo farxadu buuxisay wajigiisa ayaa markale uu kor u dhawaaqay oo uu yidhi:” Aabo cirku waa uu da’ayaa, biyuhuna waxay taabteen gacantayda, eeg Aabo”.

Halkaas markay maraysay ayaa lamaanihii is hayn kari waayeen markaasay wiidiiyeen odaygii:”Xaaji maxaad wiilkan ugu gayn wayday dhakhtarka oo aad caafimaad ugu raadin wayday?”..

Waxa uu ku jawaabay odaygii:”Hadda ayaanu ka soconaa cusbitaalka, isaga oo imaka uun ay tahay markii ugu horaysay ee uu wiilkaygu indhihiisa wax ku arko, waayo waxa uu ahaa indhool”

Comments

Popular posts from this blog

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH!

Sheeko gaaban