Posts

TUUG DAHAB XADAY Nin tuug ah baa ka xaday, nin Suldaan ah laba kabood oo dahab ah, markaas buu haddana wuxuu arkay dameer laba jawaan oo dahab ah, saaran tahay, markaas buu damcay in uu ninka dameerka wata inuu ka xado dameerka dahabka sida, markaas buu jidkii uu ku soo socday buu kab dahab ah dhigay oo cabbaar meel u jirta midii kalana uu dhigay, markaas baa ninkii dameerka watay baa arkay kabta dahabka ah oo meesha taal, markaas buu iska dhaafay, cabbar markuu socday buu arkay kabtii kale, markaas buu dameerkii ku xirtay meeshaan kabtu taal, oo raadshey tii kale oo uu soo dhaafay, markaas baa tuuggii xaday dameerkii iyo dahabkii. Sheekadii halkaas ha noo joogto
«ADDUUNYO WAA SHEEKO IYO SHAAHID» NINLADHACAY Sheeko: nin baa ka soo safray reerkiisii, isagoo sita qumbe subag ah iyo wan buuran oo Toddoba jir ah, markaas baa laba tuug aragtay oo ey yiraahdeen war sidee uga xadnaa ninkaas wanka iyo subagga? Markaas baa mid wuxuu yiri annaa indhaha iska ridaayee isoo raac markaas buu indhaha xanjo marsadey oo istaagey jid- kii ninka soo marayey Waryaa sharqamay? Waa anigoo safar ah, war magaaladii igey, hoo wanka ii qabo, oo usha keenso? Markaas baa tuugii kale wankii furtay, war xarigeyga xoollo kuma jiraan ee qumbaha ii dhiib, ee wankii raadi, markaas buu isna qumbihii la carrarey ninkiina halkaas baa lagu dhacay. Sheekadii halkaas ha inoo joogto.

Sheeko gaaban

Nin ayaa xaaskiisii $1 u dhibay markaasuu ku yiri: soow managa filno halkaan doolar?. xilli aynan guriga wax rashiin ahi aalin, xaaskii ayaa ku tiri: haa ilaa hal sanno ayuu nagu filanyahay halkan doolar, ninkii ayaa yiri: Maashaa Allah alla xaas fiican ayaan qabaa oo wax dhaqaaleeyn taqaan. markasuu xaaskii ku yiri : Maxay noo gooyn kartaa? Xaaskii ayaa ku tiri: calander(Kalandariya) ayuu halka doolar noo gooyn karaa, waayo kalandarku waa 12 bil.

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH!

SHEEKO XIKMAD + QOSOL LEH! SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH Waqti aan waqtigaan ahayn waxaa si wada jir ah uwada noolaa Nin ganacsade ah, Xaaskiisa, iyo Caruur ay dhalayn. Qoysku aad ayay noloshoodu ugu raaxaysanayeen, waxay lahaayeen digaagad qurux badan, maalin kastana waxay maalin kasta dhali jirtay Ukun Dahabi ah oo ay lacag badan ka heli jireen, lkn ninka maku qanacsanayn waxa uu maalin kasta helaayay. Waxa uu rabay inuu Ukumaha oo idil mar qura ka wada helo digaagadda, Waxa uu ku fikiray sida arintaa ay u dhici lahayd, isla markiiba waxaa kusoo dhacday fikrad ah inuu digaada dilo si uu u helo Ukumaha Dahabiga ah oo wada jira. Digaagaddii ayuu soo qabtay qoorta ayuuna ka jaray, jirkeeda ayuuna jaray. Lkn waxa uu arkay dhiig socda oo kaliya, aad ayuuna u shoogay sababtoo ah hal ukun xitaa ma uusan arkin, Noloshii qoyskana waxaa soo hareeyay Faqiirnimo. :: Xikmadda sheekada:: [Qofkii wax badan Dacmiya, Dhamaan ayuu waayaa.
SHEEKO XIKMAD LEH Daa'uus waa shimbirka kaliya ee aan Farxadda haysan, isaga oo aad uga cabanaya Codkiisa , ayaa dawaco waxay tiri: "Waa run adiga ma heesi kartid, lkn eeg sida aad u qurux badan tahay!" "Maya, Qurux kaligeed ah maxay macno leedahay?!" Daauus ayaa ku cataabay. isla markiiba shimbir aad u cod macaan ayuu arkay "eeg shimbirkaas sida uu u heesayo, yaa ka cod macaan!"  Dawaco ayaa la yaabtay sida uusan farxad u haysan, Quruxdiisana u inkirayo: "Wax kasta waxay leeyihiin awoodooda gaarka u ah, Tusaale Gorgorka waxuu leeyahay 'Awood' oo waa shimbirka ugu xoogan, Adigana waxaa leedahay 'Quruxda', Shimbirkaasna waxuu leeyahay codka macaan." Xikmadda Sheekada: Ma jiro Qof liita, lkn waxaa jira qof aan aqoon halka uu ku fiican yahay.
SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH Fasalku maalintaa aad ayuu ubuuxay, Macalinka ayaa inoo sheegay in maalintaa ay jirto Cashar Muhiim ah, Waxaan is iri Qofka u horeeya ee fasalka taga noqo, lkn dad badan ayaa iiga soo hormareen. Macalinkeenii ayaa inoo soo galay, Waxa uuna inoo qaybiyay Warqad yar oo maran (madhan), Waxa uu yiri: "Qof kasta magaciisa Halkaa haku qoro", magacyadeenii ayaynu ku qornay, waana u dhiibnay. Wax yar ka dib Warqadihii ayuu hal qol/fasal ku arooriyay, wuxuuna yiri: "Qof kasta warqada magaciisu ku qoray hakusoo qaato 5daqiiqo gudahooda", Waxaan u orday qolkii ay warqaduhu ku jireen, si aan warqadayda usoo qaato, lkn qof kasta ayaa isna raba inuu warqadiiisa qaato. Si kasta aynu isku ciriirinaba Qofna ma helin warqadii ay Magaciisu ku qornayd. Macalinkii ayaa yiri: "Joojiya! Markaan isku daya, Qofka Qofkale warqadii helaa inuu siiyo qofka magaciisa ku qoran yahay". Daqiiqado yar gudohooda ayuu Qof kasta oo inaga naga mid ah
Oday da’ ah ah iyo wiil uu dhalay oo 25-jir ah ayaa soo wada raaceen tareeen, wiilkan ayaa wajigiisa waxa ka muuqatay farxad iyo rayrayn, waxa aanuu xiigay dhinaca daaqada. wiilkii ayaa waxa uu gacantiisa dibada uga saaray daaqada, waxaanuu dareemay dabaysha iyo xawaaraha uu jarayo tareenku, kadib ayaa uu kor u dhawaaqay isaga oo leh “Aabo eeg.. dhamaan geeduhu (dhirtu) way ina daba ordayaan”!! Aabihii ayaa intuu dhoola cadeeyay la wadaagay farxadii wiilkiisii, waxaana dhinac fadhiyay nin iyo gabadh oo dhagta u raaricinayay hadalkan iyo faxadan ay aabaha iyo wiilkiisu is waydaarsanayeen, kadib ayaa waxa ay la yaabeen sida uu ninkan dhalinyarada ah ee 25 jirka ahi u dhaqmayo sidii uu yahay ilma yar oo caruur ah!! Hadana si lama filaan ah ayaa marlabaad uu u dhawaaqay wiilkii dhalinyarada haa isagoo leh: “aabo eeg barkadan iyo waxa xayawaan ka buuxa, eeg daruuruhu waa ay ina dul ordayaane”.. kadib ayaa labadii lamaane ee dhinac fadhiyay lasii yaabeen wiilkan dhalinyarada ah. Int